Kismaayo: (pp)- Magaalada Kismaayo ayaa guddaheeda laga dareemayaa Amaanka oo aad loo adkeeyey , iyadoo jidadka muhiimka ah ee magaalada soo gala ay taagan yihiin Ciidamada AMISOM ee Kenya iyo kuwa Soomaaliya, kuwaas oo si fiican isugu diyaariyey sugida amaanka ee waqtiga doorashada.
Waxaa kaloo magaalada Kismaayo ka socda abaabul siyaasadeed oo musharaxiinta u taagan madaxweynimada Jubbaland ay ku xod xodanayaan Isimada Soomaaliyeed ee ergooyinkooda u codaynayaan Madaxweynaha mustaqbalka ee Jubbaland.
Doorasho deg deg ayaa la filayaa maalmaha soo socda inay ka dhacdo guddaha magaalada Kismaayo, Doorashadaas oo illaa hadda aan Saxaafada loo soo bandhidin , waxaase warar Puntlandpost soo gaaraya ay seegayaaan in doorashadu ay dhacayso maalinka Sabtida.
Shacabka magaalada Kismaayo iyo ka caam ahaan deegaanada Jubbaland ayaa laga dareemayaa hadal haynta shaqsiga hogaamin doona Jubbaland, iyadoo la saadaalinaayo in doorashadaas uu kusoo baxayo Sheekh Maxamed Islaam (Madoobe) oo illaa hadda ugu cad cad siyaasiyiinta u sharaxan Jagada Mataxtinimada Jubbaland.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland