Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo siweyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Boosaaso.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Waftigii  ballaarnaa oo uu hoggaaminayey  oo ka koobna  labada gole ee Dawladda iyo xubno metelaya ururada bulshada rayidka ah  ee magaalada Kismaayo kaga qayb gelay shirweynihii Madasha wadatashiga qaran oo saaka kasoo amba baxay magaalada kismaayo ee Xarunta kumeel-gaadhka Dawlad Goboleedka Jubba-Land ayaa maanta soo gaadhey  magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Waftigiisii ayaa intaasi kadib waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso iyadoo ay kaqayb qaateen soo dhoweynta waftiga  Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey,  Wasiiro, Xildhibaano Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo aad u to badan  oo ku labisnaa calamada Puntland iyo Soomaaliya iyo dharka hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli ayaa qolka Nasashada ee garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Boosaaso kula hadlay  warfidiyeenada isagoona ka war-bixiyey safarkiisii shaqo ee muddada tobanka cisho ku dhow ay ugu maqnaayeen magaalada kismaayo iyo waxyaabihii ay kala kulmeen shirarkii ay kaga qayb galeen magaalada kismaayo.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horrayn uga mahadceliyey Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, golayaasha Dawladda iyo shacweynihii reer Boosaaso ee sida aan kala harka lahayn  u soo dhoweeyey, sidoo kalena Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dawladda Jubb-Land iyo Shacbiweynaha reer Jubba-Land sidii qiimaha lahayd ee ay usoo dhoweeyeen iyo marti soorkoodii wanaagsanaa  muddadii ay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in shirkii ay kaga qayb galeen magaalada Kismaayo ee looga hadlayey hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka aan lagu tilmaami karin mid fashilmay sidoo kalena  arrinta laga wada hadlayey aanay ahayn mid si sahal ah natiijo looga gaari garo.

“runtii lama orankaro shirku guuldaruu kusoo dhammaaday, waxa laga wada hadlayey  masiirkii dalka weeye wax sahlan maaha, waxaana rajeynayaa ugu dambayntii wax Puntland iyo Soomaaliyaba dani ugu jirto in ay kasoo bixi doonaan shirarka soo socda”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay madasha shirka geeyeen aragti shacabka Puntland ee ku saabsanayd in Degmo wax lagu soo doorto iyadoona  marwalba aan la hilmaamayn midnimada iyo qarrannimada soomaaliya.

“waxaan idiin sheegayaa anagu ka-xukuumad ahaan waxaanu meesha geyney mawqifkii shacbiga reer Puntland weeye, dabcan shacabka reer Puntland waxay noo wakiisheen inaanaan soomaali ka go’in wixii tanaasulaad ah oo soomaali dan u ahna aanu meesha geyno”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in aan Puntland marnaba lagu faafin karin Mad-habka  shiicada,  guud ahaana shacabka reer Puntland iyo Soomaaliiyaba ay %100 yihii dad muslimiin ah oo Sunni ah.

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_00000 IMG_000001 IMG_000002 IMG_0002 IMG_000003 IMG_0005 IMG_0007 IMG_0013 IMG_0014 IMG_0018 IMG_0023 IMG_0025 IMG_0032 IMG_0034 IMG_0036 IMG_0038 IMG_0040 IMG_0043 IMG_0048 IMG_0053 IMG_0066 IMG_0071 IMG_0080 IMG_0089 IMG_0094 IMG_0098 IMG_0100 IMG_0111 IMG_0115 IMG_0119 IMG_0134 IMG_0144 IMG_0145 IMG_0146 IMG_0150 IMG_0153 IMG_0154 IMG_0157 IMG_0158 IMG_0166 IMG_0184 IMG_0187 IMG_0190 IMG_0194 IMG_0196 IMG_0197 IMG_0199 IMG_9969 IMG_9971 IMG_9973 IMG_9977 IMG_9985 IMG_9989

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo siweyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Boosaaso. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>