Garowe:(pp)- Xuska maalinta Malaariyada Adduunka ayaa maanta lagu qabtey Xarunta wasaarada Caafimaadka Puntland,waxaana kasoo qeyb galey masuuliyiinta wasaarada Caafimaadka, Wakiilo ka tirsan hay,addaha UNICEF, WHO iyo Ardey dhigata machadka caafimaadka ee Xaaji Cabdi magaalada Garowe.
Xuska maalintan oo ay soo qaban qaabisey waaxda wasarada u qaabilsan cudurka Malaariyada, ayaa inta badan hay,addaha ka shaqeeya caafimaadka ay kaga faa,iideystaan inay fariimo u diraan bulshada oo ku aadan khatarta cudurka kaneecada .
Shiikh Cali Cabdi oo ah Madaxa Cudurada Faafa ee Hay,adda WHO oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashey xaflada ayaa ku booriyey bulshada inay kalluun ku beeraan biyaha berkadaha lagu keydsado, isagoo sheegey in kalluunku uu ka hortag u yahay kaneecada ugxanteeda oo biyaha ku dhex abuurmata.
Dhanka kale Wasiiirka wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame oo ku hadlaya magaca bahda caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqey bulshada reer Puntland in lagu yareyn karo khatarta cudurkan dariiqa ku haboon oo loo maro daaweyntiisa iyo ka hor tagiisa.
“Wasaaradu waxay goobo caafimaad oo ku yaal deegaanada Puntland ku diyaarisey daawada maleyriyada iyo baaritaankeeda, midaas oo lacag la,aan ah , marka waxan u sheegayaa bulshada inaysan goobaha gaarka loo leeyahay aadin oo ay yimaadaan goobaha wasaaradu bulshadeeda u diyaarisey oo ah kuwo lacag la,aan ah”ayuu yiri wasiirku.
Dr Cali Abdulaahi Warsame waxa uu sheegey in uu khatar ku hayo cudurka maleyriyada bulsho faro badan, islamarkaana meelaha qeybtood oo aan horey looga heli jirin ay kasoo gaarayaan warbixino sheegaya in laga helayo xilliyadii ugu danbeeyey.
“Hadda Bosaso oo kale lagama aqoon cudurka malaariyada laakiin mudooyinkii danbe waa laga helay , midaasna waxaa sabab u ah labo arrimood ayaan oran karnaa , Baabuurta Qudaarta ka keenta Koonfur oo iyaga oo aan la buufin gudaha magaalooyinka u galaya, iyo Isu socodka dadka oo iyana la sheegayo inay qeyb ka tahay”ayuu mar kale carabka ku dhugtey wasiirku.
Ugu danbeyntii Wasiirku wuxuu fariin u direy bulshada oo ku aadan inay wasarada iyo shaqaalaha caafimaadka la soo socodsiiyaan cudurkan goobaha ay ku arkaan , si wasaaradu u gudato waajibkeeda ka saaran bulshada ee ku aadan ka hortag iyo daaweyn.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.