Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaradda Amniga DFS oo ka hadashay weerarkii xalay lagu qaaday xeebta Liido

$
0
0

Muqdisho-(PuntlandPost) labaatan qofood ayaa ku geeriyooday oo ay ka mid ahaayeen Kooxihii weerarka soo qaaday halka tira kala ay dhaawacyo soo gaareen kadib fiiddnimadii xalay Weerar ay Argagixisadu ku qaadeen Maqaaxid ku taala Xeebta Liido halkaas oo ay ku sugnaayeen Boqolaal shacabka oo goobta ku qaxweynayay,

Waxaana markiiba goobta gaaray Ciidamda Amniga kuwaas oo ka hortagay qatar intaas ka badan oo ay damacsanaayeen Argagixisada, iyagoo soo baddbaadiyay boqolaal shacab ah oo ku go’doomay goobta la weeraray.

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaal mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay warbaahinta Dowladda aya ku dhawaaqay arroornimadii hore ee Saakay in la soo gaba gabeeyay saacada ka hor hawlgalkii ay ciidanka Amniga ka wadeen Maqaaxiyo ku yaalay Xeebta Liido.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee NISA gaar qaybta Gaashaan ayaa markiiba goobta ka hawlgalay si umadda looga baddbaadiyo Argagixisada halkaas weerarka ku soo qaaday, kuwaas oo ugu dambeyn dilay 4 ka tirsan maleeshioyaadkii weerarka soo qaaday halka mid ka midna gacanta lagu dhigay.
vlcsnap-2016-01-22-07h15m55s133

vlcsnap-2016-01-22-07h16m10s20

vlcsnap-2016-01-22-07h16m27s198

vlcsnap-2016-01-22-07h16m49s153

vlcsnap-2016-01-22-07h17m23s238

vlcsnap-2016-01-22-07h17m47s223

The post Wasaradda Amniga DFS oo ka hadashay weerarkii xalay lagu qaaday xeebta Liido appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>