Muqdisho-(Puntland Post) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa maanta gaaray magalada Muqdisho, halkaasoo lagu wado maalmaha soo socda inuu ka furmo shirka madaxda Soomaalidu uga tashanayaan go’aanka doorashada Soomaaliya ee 2016.
Axmed Madoobe ayaa marka uu gaaray isaga iyo madaxwayne Gaas magalada Muqdisho waxay la kulmeen Ergayga cusub ee QM u qaabilsan Somalia, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo isbarasho.
Madoobe ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in go’aan midaysan uu kasoo bixi doono shirka Muqdisho ka furmaya, maadama shirkii Kismaayo uusan kasoo bixin natiijo muuqata.
Puntland iyo Jubbaland oo ka mid ah mamulada dalka ayaa diidan in doorashada ama gollaha Baarlamaanka lagu soo xulo nidaamka qabiilka ee 4.5, waxaase jira warar sheegaya in maamuladan ay ogolaadeen in nidaamkaasi lagu soo xulo Baarlamaanka balse aqalka sare laga dhigo hab deegaan.
Siyaasiyiin reer Puntland ah oo uu ka mid yahay Cali Xaaji Warsame ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Puntland iyo Jubbaland ogolaadeen in hab qabiil aqalka hoose lagu saleeyo.
Dadka diidan nidaamka 4.5 in aqalka hoose lagu saleeyo waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, xilli uu ka hadlayay furitaanka garoonka diyaaradaha Bosaso waxa uu sheegay dowladda Cabdiweli inaysan shacabka Puntland wakiil uga ahayn nidaamka 4.5.
Ammaanka magalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana socda kulamo goos goos ah oo ay madaxda Soomaalidu ku qaadanayaan Villa Somalia, walow ay jirto kala aragti duwanan, hadana beesha caalamka ayaaa dadaal uga jirta shirka furmi doono inuusan fashilmin.
PUNTLAND POST
The post Madaxwaynaha Jubbaland oo gaaray magalada Muqdisho iyo amaanka oo la adkeeyay appeared first on Puntland Post.