Muqdisho-(Puntland Post) Puntland oo qayb ka ahayd shirka madaxda Soomaalida galabta uga furmay xarunta Villa Somalia ee Muqdisho ayaa sheegtay inuu natiijo la’aan kusoo dhamaaday wada hadalka madaxdu yeesheen.
Wasiirka Deegaanka Puntland Cali Cabdilaahi Warsame oo qayb ka ah guddiga madasha wadatashiga qaran ayaa Radio Garowe caawa u sheegay in maantaba uu shirka kusoo dhamaaday guul daro sida uu sheegay markii uu khudbada madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ku sheegay in aqalka hoose lagu heshiiyay in laga dhigo nidaamka qabiilka 4.5.
Warsame ayaa sheegay inaysan la mowqif ahayn hadalka madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud wuxuna sheegay fikirkaasi inay sidoo kale ka hor yimaadeen mamulka Jubbaland oo ka mid ahaa mamuladdii horay u diidanaa nidaamka qabiilka.
Masuulkani waxa uu sheegay inay aaminsan yihiin in aqalka hoose lagu saleeyo degmooyinka, aqalka sarena laga dhigo 18-kii gobal ee Soomaaliya, balse mamuladda Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa arrintaasi diidan.
Ma jirto hadal kasoo baxay dowladda dhexe iyo mamulada kale oo ku aadan inuu bur buray shirkii galabta, walow ay weli socdaan shirar kale oo looga arrin sanayo kulamada danbe maadama weli aysan soo bixin go’aamo la isku raacsan yahay.
Beesha caalamka ayaa dhankeeda dadaal ugu jirta sidii go’aan mideysan loo gaari lahaa, waxaana lagu wadaa kulanka beri in madaxdu isku afgartaan arrimaha looga wada hadlayo.
Siyaasiyiin uu ka mid yahay Cali Xaaji Warsame ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Puntland iyo Jubbaland raali ka noqdeen nidaamka 4.5, waxaana jira warar sheegaya in wakiilada beesha caalamku mamulada ku cadaadinayaan in tanaasul uu yimaado.
PUNTLAND POST
The post Puntland oo sheegtay inuu guul daro ku kusoo dhamaaday shirkii galabta ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.