Muqdisho-(Puntland Post) Xisbiyadda siyaasada ee ka dhisan magalada Muqdisho ayaa maalinkii shalay dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odawaa u gudbiyay xafiiska maxkamadda sare ee Soomaaliya.
Dacwadan oo ay ku saxiixan yihiin 22-xisbi ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Odawadaa hor taagan yihiin xaqa uu dastuurku siinayo axsaabta syaasadeed isla markasna xafiiska wasiirka koowaad aan weli laga soo gudbiyay xeerka axsaabta si uu u noqdo sharci.
Gudoomiyaha maxkamadda sare Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa dacwadan ka qabtay xisbiyada caraysan kuwaasoo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay inay xaq u lee yihiin inay helaan xeerkaasi oo dhaqan gal ah.
Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay xisbiyadan inay mar kasta diyaar u yihiin inay dalka ka saaraan nidaamka 4.5, waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay shacabka in talada lagu celiyo.
PUNTLAND POST
The post Xisbiyada Siyaasada Muqdisho oo RW dalka dacwad ka gudbiyay appeared first on Puntland Post.