Muqdisho-(Puntland Post) Allaha u naxariistii wariye Cabdi Xaaji Goobdoon waxa uu ku dhashay sodomeeyadii magalada Jigjiga ee xarunta mamulka DDSI, halkaasuu uu Aabihii ka shaqaynayay isagoo ka tir sanaa ciidankii Talyaaniga.
Marxuub Goobdoon waxa uu ku dhowaa da’da 80-ka saxaafada wuxuu kusoo biiray 1961, wixii xiligaasi ka horeeyay wuxuu ahaa macalin wax ka dhiga iskuuladii leega.
Goobdoon 1962/63 shaqaale ka noqday laanta afka Soomaaliga ee Radio Masko, halkaasuu uu in mudo ah ka shaqaynayay, markii uu kacaanka dhashay ayuu ka tagay, wuxuuna Muqdisho yimi 1971 isagoo markaasi madaxwayne Maxamed Siyaad Barre u magacabay wariyihiisa gaarka ilaa 1981-dii.
Cabdi Xaaji Goobdoon wuxuu agaasime kasoo noqdaq wasaradda warfaafinta ilaa 1984- waxana markii danbe loo badalay wasaradda ciyaaraha, ka dib markii uu kacaanka dhici rabay waxaa loo wareejiyay wasaraddii arrimaha dibadda.
Cabdi Xaaji Goobdoon wuxuu ka mid ahaa suxufiyiiintii qibrada lahaa ee shaqaynayay inta aan farta Soomaaliga la qorin., wuxuu ahaa curad labaad aabihii, wuxuu ifka uga tagay Cabdi allaha u naxariistee 15-carruur ah (7-wiilal iyo 8-gabdhood).
Taariikhdiisa oo intaa kasii badan waxaa soo koobay walaalkii Abuukar Xaaji Goobdoon oo saaka la hadlayay warbaahinta dowladda ee Muqdisho.
PUNTLNAD POST
The post Taariikhda: Wariye Cabdi Xaaji Goobdoon oo Muqdisho ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.