Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22755

Xagee marayaa wada hadalka madaxda Soomaaliya ee nooca doorashada 2016?

$
0
0

madasha-1Muqdisho-(Puntland Post) Madaxda Soomaalida ee ku sugan magalada Muqdisho ayaa ku kala aragti duwan weli waddada loo marayo doorashada 2016, taasoo kaliftey inuu bur buro shir Isniintii lasoo dhaafay Villa Soomaaliya ka qabsoomay.

Afhayeenka Puntland Cabdilaahi Axmed Jaamac (Quraan-jecel) oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dhankooda weli ku taagan yihiin go’aankoodii ahaa inaan dib loogu laaban nidaamka qabiilka ee 4.5, waxa kale uu sheegay in ay socoto kulamo gooni gooni oo looga arrin sanayo waxa laga yeelao nidaamka doorasho ee dhammaadka sanadkan dhici doonto.

Quraan-jecel ayaa cadeeyay inuu fashilmay shirkii Isniintii madaxdu ku yeeshaan madaxtooyadda, wuxuna u aaneeyay hadalkii madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud ee ahaa in aqalka hoose laga dhigay nidaamka 4.5, masuulkan oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa ku adkeystay in Puntland aysan raali ka noqon doonin nidaamka qabiilka oo ay arrintaasi hal meel ka wada taagan yihiin Jubbaland.

Ma jirto ilaa iyo hadda kulamo toos ah oo madaxda dhexmaray tan iyo kii Isniintii fashilmay, hase yeeshee waxaa socda dadaalo beesha caalamku ugu kala dab-qaadayso mamuladda iyo dowlada dhexe.

Nidaamka 4.5 oo uu sheegay madaxwaynaha Soomaaliya in lagu dabaqayo soo xulista Baarlamaanka cusub waxaa ku taageersan mamuladda Koonfur Galbeed iyo Galmudug, balse Puntland iyo Jubbaland ayaa ka hor yimi isla markasna sheegay inaysan wanaagsanayn in dib loogu laabto arrimihii laga wada heshiiyay.

Khilaafka weli ka dhextaagan madaxda Soomaalida ayaa sii xumaanaya marka loo eego shirkii Kismaayo oo madaxdu ay xitaa wada hadlayaan, balse shirka Muqdisho oo maalintiisii ugu horaysay guul daraystay ayaa u muuqda in madaxdu kusii kala foganayaan.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa maanta inuu ka dhoofo magalada Muqdisho isagoo kusii wajahan Nayroobi, wuxuuna socdaalkiisan kusoo aadayaa xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xariiro doorashada 2016.

PUNTLAND POST

The post Xagee marayaa wada hadalka madaxda Soomaaliya ee nooca doorashada 2016? appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22755

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>