Nairobi-(Puntland Post)- Ku dhawaad lix ka tirsan ciidamada Booliiska Kenya ayaa ku dhintay qarax lagu la eegtay Jaziirada lamu ee dalkaasi, sedex kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray.
Ciidamada ayaa Qaraxa lagula eegtay gaari ay saarnaayen,waxayna Saraakiil ka tirsan Booliiska Kenya ay xaqiijiyeen qaraxa lala eegtay ciidamada,iyagoo tilmaamay in ilaayo hada la la yahay Askar ka tirsanayd ciidamada la qarxiyey.
Goobta uu qaraxu dhacay is hor imaad ayaa ku dhexmaray Ciidamada Booliiska Kenya iyo koox hubaysan oo Saraakiil ka tirsan Kenya ku sheegeen Alshabaab.
Ciidamadii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa la geeyey xarumaha caafimaad ee dalkaasi,goobta Qaraxa lagu eegtay ayaa ah meel kayn ah,Saraakiisha ayaana sheegtay in goobtaas ay ku xoogan yihiin Alshabaab waxayna xuseen inay ku dhuutaan kayna.
PUNTLAND POST
The post ku dhawaad lix ka tirsan Ciidamada Kenya oo ku dhintay Qarax lagu la eegtay Lamu appeared first on Puntland Post.