Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22743

Banaan bax lagu diidan yahay nidaamka 4.5 laguna taageerayo go’aankii Gaas oo Garowe lagu qabtay

$
0
0

IMG_0459Garowe-(Puntland Post) Isku soo bax ballaaran oo lagu diidan yahay nidaamka 4.5 oo shalay lagu go’aamiyay in lagu saleeyo aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah lagu qabtay magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Banaan-baxayaasha oo iskugu yimi baraxada Garowe ayaa siday calanka Soomaaliya iyo kan Puntland sidoo kale waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ku diidan yihiin nidaamka 4.5 isla markasna ay ku taageerayeen go’aankii madaxwayne Gaas uu xalay Muqdisho ka jeediyay.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland, wasiiradda xukumadda, mamulka gobalka Nugaal kan degmada iyo masuuliyiin kale ayaa kasoo qayb galay waxayna halkaasi dadwaynihii faraha badnaa ee isku soo baxay u jeediyeen khudbado ay ku cadaynayaan dareenkooda.

Cabdixakiin Cabdilaahi Camay, madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inaysan marnaba Puntland raali ka ahayn nidaamka qabiilka ee 4.5 sidoo kale masuulkani waxa uu sheegay inay raacsan yihiin khudbadii uu xalay jeediyay madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas.

Masuuliyiintii kale ee banaan-baxan ka hadlkay ayaa sheegay inaysan Soomaaliya dani ugu jirin in dib loogu laabto nidaamka qabiilka kaasoo ay muujiyeen in horay looga wada heshiiyay.

Gudoomiyaha Gobalka Cabdilaahi Farawayne ayaa dadkii iskugu soo baxay Garowe uga mahad celiyay siday dareenkooda u muujiyeen iyo taageerada ay u hayaan hadalkii madaxwayne Gaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aqalka Baarlamaanka 2016 lagu soo xulayo nidaamka 4.5, waxaase go’aankaasi ku raacay mamuladda Koonfur galbeed, Galmudug iyo Jubbaland sidoo kalena beesha caalamka oo wakiilo ka socday ayaa soo dhaweeyay go’aankaasi.
IMG_0459

IMG_0461

IMG_0466

IMG_0473

IMG_0476

IMG_0480

IMG_0485

IMG_0492

IMG_0494

IMG_0497

IMG_0502

IMG_0521

IMG_0523

IMG_0528

IMG_0532

IMG_0541

IMG_0544

IMG_0567

IMG_0571

IMG_0575

IMG_0582
PUNTLAND POST

The post Banaan bax lagu diidan yahay nidaamka 4.5 laguna taageerayo go’aankii Gaas oo Garowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22743

Trending Articles