Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Cabdiraxmaan Farole oo taageeray go’aankii madaxwayne Gaas ku diiday 4.5

$
0
0

FaroleGarowe-(Puntland Post) Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa magalada Garowe ayaa ka hadlay nidaamka 4.5 oo go’aan lagu gaaray in lagu soo xulo aqalka Baarlamaanka iyo go’aankii uu xalay Gaas qaatay.

Farole ayaa marka hore shirkiisa jaraa’id kaga waramay marxaladihii laga soo maray in laga gudbo nidaamka 4.5 kaasoo soo bilowday 2012, madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayuu ku eedeeyay inuu wax badan is-damo mariyay isla markasna sida uu hadalka u dhigay uu yahay qof ka baxay balantii iyo dhaartii uu galay.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Farole ayaa sheegay inuu taageersan yahay go’aankii xukuamdda Gaas ka qaateen nidaamka 4.5 iyo banaan-baxyada looga soo horjeedo oo maanta ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland.

Sidoo kale waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay faraha kala baxaan waxyaabaha Soomaalida gaarka u ah ee ay kaga tashanayaan aayahooda isagoona sheegay in ergaygii ka horeeyay Nichalos Kay uu ka mid ahaa raggii saxiixay dastuurka KMG ah ee hadda la dhalan rogay.

Hadalka madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa kusoo aadaya xilli madaxda dowladda Federaalka ku dhawaaqeen in Baarlamaanka cusub lagu soo xuli doono nidaamka 4.5, kaasoo ay taageero u muujiyeen wakiilo ka socda beesha caalamaka oo ku sugan magalada Muqdisho.

 


PUNTLAND POST

The post Cabdiraxmaan Farole oo taageeray go’aankii madaxwayne Gaas ku diiday 4.5 appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>