Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Tahriibayaal ku dhammaaday badda Turkiga

$
0
0

Ankara-(Puntland Post)-Ugu yaraan 33 qof oo ay ku jiraan caruur ayaa ku geeriyootay biyaha dalka Turkiga, kuwaas oo doonayay inay gaaraan waddanka Gariiga si Yurubta kale ay uga sii guddbaan.

Ciidanka Ilaalada xeebaha waddanka Turkiga ayaa waxa ay sheegeen in markii doontii dadkaasi saarnaayeen ay dageysay inay ku dhawaayeen jasiiradda Lesbos,

Waxaana lagu soo waramayaa in Jasiiradaasi dhowaanahan ay gaaray tobannaan kun oo qof oo qaxooti ah, si ay u gaaraan waqooyiga qaaradda Yurub.

Qiyaastii 75 qof ayaa la sheegayaa in laga badbaadiyay badda, meel ku dhaw goobaha lagu dalxiiso ee dalka Turkiga kadib markii loo sameeyay gurmaddyo dag dag ah.

Mid ka mid ah dadkii ka baddbaaday dhacdadaasi ayaa u sheegay weriyayaasha in weli la la’yahay 20 qof oo kale.

The post Tahriibayaal ku dhammaaday badda Turkiga appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles