Gaalkacyo-(Puntland Post)-Gudoomiyaha degmada Saaxo ee gobolka Mudug Nuur Faarax Maxamed ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Gudoomiyaha degmada,isagoo aan sheegin sababta rasmiga ah ee keentay inuu xilka baneeyo.
Nuur oo la hadlay warbaahinta waxaa uu xusay inu iska casilay xilka, wuxuuna tilmaamay inuu gartay ka tagista xilka,isagoo carabaabay inaysan jirin wax dhibaato ah oo ku ka lifaya inuu xilka isaga tago.
Waxaa uu sheegay inuu dhawaan warqarad u qoray maamulka gobolka oo ku saabsan is casilaada,iyagoona kula taliyey inuu ka soo fiirsado iscasilaada, Nuur ayaase tilmaamay inuu ku adkaystay inuu xilka baneeyo.
Degmada Saaxo ee gobolka Mudug oo marar badan ay ka dhaceen rabsho u dhaxeeyey Gal-mudug iyo Puntland,ayaa madaxweyne Gaas uu u magacaabay degmo,iscasilaada gudoomiyaha degmada wali kama aysan hadlin maamulka gobolka Mudug.
Halkan ka Dhagayso Codka
PUNTLAND POST
The post Gudoomiyihii degmada Saaxo oo xilka baneeyey appeared first on Puntland Post.