GAROWE-(Puntland Post) Xildhibaan Abshir Axmed oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland aya dhalinyarada ku booriyay inay dalkooda joogaan oo aysan meelna ka aadin, hadalkan ayuu ka jeediyay kulan looga hadlayay caqabadaha dhalinyarada haysta oo Dalladda Mudan ku qabatay magalada Garowe.
Masuulkan waxa uu sheegay in dhalinta looga baahan yahay inay ku kalsoonaadaan dalkooda,wax bartaan isla markasna ka qayb gallaan fursadaha dalka gudahiisa ka banaan ee laga cararyo, waxa uu tusaale usoo qaatay dalka Shiinaha oo uu sheegay inaysan jirin dhalinyaro xafiisyo fadhiya balse ay ku tartamaan xirfadaha gacanta iyo wax soo saar cusub.
Xildhibaan Abshir waxa uu xaqiijiyay caqabadaha dhalinyaradda Puntland haystaa inay kow ka tahay nidaamka qabiilka ee 4.5 kaasoo uu sheegay inuu yahay taakada ugu horaysay ee hortaala balse looga gudbi karo dhalinyarada oo muujisa awoodooda iyo inay ka qayb gallaan arrimaha siyaasadda.
Dhalinyarada ayuu ku booriyay inay xooga saaraan barashada xirfada gacanta taasoo dunida hormartay ay guulo muuqda ka gaartay, cabashada dhalinyaradda ay soo jeediyeen ayuu sheegay inay tahay kuwo jira, dowladda Puntland ayuu ugu baaqay inay ahmiyad siiso dhalinyarada lagana qayb galiyo shirarka siyasadeed.
”Waxa idin curyaamiyay oo dhalinyaradda hortaan waa nidaamka 4.5, inta habel la dooranayo horumar gaari mayno, waxaad ka shaqaysaan in dalka ka hirgalo nidaamka axsaabta badan.
Saddexdii sano ee lasoo dhaafay waxaa dalka ka tahriibay kumanaan dhalinyaro ah kuwaasoo dhibaatooyin kala kulma safarkooda dheer iyagoo xitaa qaarkood ilaa iyo hadda la la yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
PUNTLAND POST
The post Xildhibaan Abshir oo dhalinyarada Puntland ugu baaqay inay dalkooda iimaan sadaan appeared first on Puntland Post.