Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hay’adda Astaynta Puntland oo dood cilmiyeed ka qabatay go’aankii Puntland ku diidey 4.5

$
0
0

GAROWE-(Puntland Post) Hay’adda astaynta maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa dowladda ee Puntland ayaa qabatay dood cilmiyeed ku saleysan go’aankii dowladda Puntland ka qaadatay nidaamka 4.5.

Dood cilmiyeedkaan waxaa ka qeyb galay, xildhibaano, aqoonyahano, waxgarad, qurba-joog iyo haween, kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka dhiibanayay barnaamijkaan oo muhiimadiisu ahaa in dadka reer Puntand loo cadeeyo waxa uu salka ku hayo nidaamka beeleedka 4.5.

Gudoomiyaha hay’adda astaynta maamul wanaaga Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo furay doodaan ayaa sheegay barnaamijkaan inay ugu talo galeen sidii ay u xoojin lahaayeen go’aankii dowladda Puntland iyo shacabkeedu ka qaateen in laga gudbo nidaamka 4.5, oo aysan ummadda Soomaaliyeed wax dan ahi ugu jirin.

Waxaa kale oo gudoomiyuhu sheegay inay doodu xoojinaysay inay dadka reer Puntland iyo dowladdoodu hal meel uwada jeedaan, iyadoo aan la dulminayn maslaxada ummadda Soomaaliyeed.

Aqoonyahada doodaan ka hadlay ayaa intooda badan isku raacay in 4.5 uu yahay nidaam jaahili ah oo aan xaq ku dhisnayn islamarkaana lagu dulmiyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ururka haweenka Puntland Khadro Warsame Jaamac oo kamid ahayd ka qeyb galayaasha doodaan ayaa aragtideeda kusoo jeedisay inay Soomaaliya meel ku gaari weyday in qabiil wax lagu qeybsado islamarkaana haatan loo baahan yahay in nidaamkaas laga gudbo, si dadka Soomaaliyeed u helaan cadaalad hufan.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo kamid ah barlamaanka Soomaaliya ayaa dooda ka sheegay inuu aaminsan yahay dadka nidaamka 4.5 u ololeenaya inay yihiin kuwo diidan inay Soomaaliya horumar gaarto, isagoo intaas ku daray waxyaalaha kala fogeeyay ummadda Soomaali inuu yahay nidaamkaan ku dhisan qabiilka.

Gabagabadii doodaan ayaa lagasoo jeediyay talooyin, waxaana kamid ahaa,

Dowladda Puntland inay ku adkaysato go’aankeeda diidmada 4.5.

Dowladda Puntlad inay fidiso gogoshii Soomaaliya ku midoobi lahayd.

Inay beesha caalamka faraha lala baxdo arrimaha masiirka Soomaaliya.

Inay Soomaaliya u baahan ahay badbaado qaran.

Gudoomiyaha hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo soo gabagabeeyay doodaan ayaa sheegay Soomaaliya inay u baahan yahay dowlad dhab ah oo u dhexeysa ummadda Soomaaliyeed oo ka maran ku dhaqan qabiil, musuq maasuq iy maamul xumo, wuxuuna dhinaca kale, hoosta ka xariiqay go’aanka Puntland inuu yahay inaanan lagusii dhaqmin nidaamka 4.5.

Sawirro
._DSC9805

_DSC9806

_DSC9807

_DSC9809

_DSC9810

_DSC9811

_DSC9812

_DSC9813

_DSC9814

_DSC9815

_DSC9816

_DSC9817

_DSC9818

_DSC9820

_DSC9821

_DSC9822

_DSC9823

_DSC9824

_DSC9825

_DSC9826

_DSC9827

_DSC9828

PUNTLAND POST

The post Hay’adda Astaynta Puntland oo dood cilmiyeed ka qabatay go’aankii Puntland ku diidey 4.5 appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>