Muqdisho-(Puntland Post)- Waxaa maanta galinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho ku xigeenka Qaramada Midoobay ee dhinaca siyaasada,waxaana kusoo dhaweeyey garoonka diyaarada ee Aadan Cadde Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisul wasaare Cumar.
Intaas kadib madaxda dowladda ayuu kulan kula qaatay xarunat madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana kulanka diirada lagu saaray marxalada Soomaaliya ay ku jirto.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay mas’uulkaasi ayey ka wada hadleen arrimo kala duwan oo la xiriira xaaladda dalka, iyadoo madaxweynaha uu sharaxaad ka siiyay marxalada Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga hadlay Arrimo badan oo quseya Marxaladda Soomaaliya iyo sidii Qaramada Midoobay ay u sii wadi laheyd Taageerada Soomaaliya ay siiso.
Dhinaca kale guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa la kulmay Ku xigeenka dhinaca Siyaasadda Xoghayaha Guud ee QM, iyagoo ka wada hadlay arrimo kale sidii QM ay ula laba jibaari lahayd howlaha dhinac hormarka ee Soomaaliya ay ku caawiso.
Dhanka kale Kuxigeenka Ban ki-moon ayaa Xarunta Xalane kulan kula leh Saraakiil ka tirsan QM iyo AMISOM,iyadoo ay Warbaahintu banaanka ka joogto.
PUNTLAND POST
The post Ku xigeenka QM oo Muqdisho kula shiray Madaxda dalka appeared first on Puntland Post.