Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaradda dhalinyarada & ciyaaraha Puntland oo tababar Garowe ku qabatay

$
0
0

GAROWE-(Puntland Post) Wasaradda sh,sh,dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa maanta oo Axad ah magalada Garowe gaar ahaan hoolka xarunta Hay’adda PDRC ka furtay tababar shan maalmood soconaya, kaasoo salka ku haya horumarinta ciyaaraha kala duwan ee Puntland.

Tababarka ayaa loo qabtay mamuladaha ciyaaraha sida garsoorayaal, tababaro iyo maamulayaan, waxana furitanka tababarka kasoo qayb galay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyaradda, agaasimaha guud ee wasaradda iyo masuuliyiin ka socda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Uleedka ugu muhiimsan tababarkan oo qayb ka ah horumarinta ciyaaraha Soomaaliya loona qabtay 85-xubnood ayaa ah in markii ugu horaysay la qabto horyaalada heerka gobal ee kubadda cagta Soomaaliya, si sida maanta laga dhax sheegay tababarkan furitaankiisa.

Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle, wasiirka Shaqada, shaqalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa sheegay tababarkan inay wada jir u qabteen wasaradda iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, wuxuna kasoo qayb galayaasha kula dardaarmay inay casharada ay ku qaadan doonan si wanaagsan uga faa’iidaystaan isla markaska ku dabaqaan shaqooyinkooda joogta ah.

Agaasimaha guud ee wasraddan mudane Axmed Cabdalla Tigaane ayaa sheegay barnaamijkan qabashadiisa inay ka danbaysay wasaradda, wuxuna sheegay inuu qayb ka yahay heshiis-yadii horay ula galleen xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, wuxuna sheegay inay markasta ka go’an tahay in horumarin lagu sameeyo ciyaaraha kala duwan ee Puntland.

Kasoo qayb galayaasha tababarkan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin casharada ay qaadan doonaan waxa kale ay soo jeediyaan in tababaro noocaan oo kale ah loo raadiyo dhalinyaradda ciyaartoyda ah si looga baaqsado safarka tahriibka.
Abdirahman-Sheik-Ahmed

Ahmed-Abdalla

Ali-Abdi-Mohamed

Ali-Mohamed-Ahmed

Fadumo-Ali-Nur

Gudomiyaha-Xiriirka-Puntland

pic-1

pic-2

pic-3

pic-4

Somali-FA-vice-president-Abdullahi-Sheik-Nur
PUNTLAND POST

The post Wasaradda dhalinyarada & ciyaaraha Puntland oo tababar Garowe ku qabatay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>