Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Odawaa oo Ahlusunna iyo Gal-mudug ugu baaqay wada hadal nabadeed

$
0
0

Gaalkacyo-(Puntland Post)-Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, oo ku sugan Magaalada Hobyo ayaa baaq Nabadeed u diray Ururka Ahlu sunna ee fadhigoodu yahay Magaalada Dhuusamarreeb.

Odawaa ayaa ka codsaday Madaxweynaha Galmudug in uu culeyska saaro xallinta Arrinta Magaalada Dhuusamarreeb oo ah Caasimadda Maamulka Galmudug, taasi oo uu sheegay in ay caqabad weyn ku tahay Maamulka.

Dhanka kale Wasiir Odawaa ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii Colaadda, waxaana sidaasi awgeed uu ugu baaqay Ahlu-sunna in ay qaataan nabadda oo wax waliba lagu dhameeyo miiska Wadahadalka.

Maamulka Galmudug ayaa wada dadaallo lagu dhameystirayo Wada hadaladda Ahlu-sunna, si Maamulka u tago Xaruntii Magaalada Dhuusamarreeb.

PUNTLAND POST

The post Odawaa oo Ahlusunna iyo Gal-mudug ugu baaqay wada hadal nabadeed appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>