Garowe-(Puntland Post)-Maanta oo arbaco ah waxaa magaalada Garowe ku shiray xubnihii Beesha caalamka oo u hogaaminayey ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo Isimada Puntland.
Kulanka ayaa looga hadlay aragitada Shacabka Puntland ka qabaan 4.5ka oo laga soo saaray Shirkii dhawaan kusoo dhamaaday Muqdisho,waxayna xubnahan u yimaadeen Puntland sidii Shacabka iyo dowladda Puntland loogu qancin lahaa 4.5ka.
Isimada Puntland ayey Saaka kala hadleen inay taageeraan natiijada Shirkii Muqdisho laga soo saaray,waxayna Isimadu Michael Keating iyo xubnihii la socdau u sheegeen inay taageersan yihiin go’aanka Puntland ka qaateen 4.5ka
Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ah afhayeenka Isimada Puntland oo ka qayb galay Shirka ayaa xusay in ergayga Qaramada Midoobay iyo xubnihii la socday kala shireen aragtida 4.5, bale waxaa uu sheegay Garaadku inay si cad ugu shegeen in ay la fikir yihiin madaxda Puntland.
Shirkii saaka lagalay ayuu sheegay in uu sidaa ku soo dhamaaday,Isimada Puntlandna ay u sheegeen xubnaha beesha caalamka in ay la mowqif yihiin madaxda Puntland taageersan yihiina hab deegaan.
Waxaa uu tilmaamay Afhayeenka Isimada Puntland in shirar kale la qaadan doonan siyaasiyiinta Puntland,waxayna shalay galab la kulmeen bulshada rayidka,waxay iyaguna u sheegeen inay kasoo horjeedaan 4.5.
Halkan ka Dhagayso Codka
PUNTLAND POST
The post XubnihiI Beesha caalamka iyo Isimada Puntland oo ku shiray Garowe appeared first on Puntland Post.