Garowe-(Puntland Post)- Michael Keating ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ilaa shalay magaalada Garowe gaar ahaan xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC kula kulmayey Isimada, siyaasiyiinta iyo Bulshada rayidka ah, ayaa la kulmay xukuumaddi hore ee dr Farole, iyagoo kawada hadlay arinta 4.5ka.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Farole ayaa warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii ay kawada hadleen Michael Keating,waxaa uuna sheegay inay ka shireen 4.5ka, islamarkaana ay ugud biyeen qoraal ay kaga hadlayeen, heshiiyadii horay loo galay oo aan la fulin,iyo siduu sheegay Farole dastuurkii oo meel looga dhacay,oo laga bixi lahaa kumeel gaarnimada.
Waxaa uu tilmaamay sadexsano iyo shan bilood oo laga joogo xiligii la doortay Xasan Shiikh, in maanta laga wal walo wixii la samayn lahaa, eedeedana uu leeyahay Madaxweynaha dowaldda fadaraalka Xasan Shiikh,oo ku tilmamaay inuu ku talo galay sidan.
Xasan Shiikh ayuu sidoo kale ku eedeeyey in uu is hor taagay maamul goboleedyo dhismayey, si uusan dalka uga hirgalin fadaraal, isagoo maamul goboleedyada ka xusay Jubbaland, kadibna markii beesha caalamku uu cadaadis kala kulmay, ayuu tilmaamay in meelo kale wax laga taag taagay,oo sida Puntland iyo Somaliland loo dhisay ka badalan.
Farole ayaa hadalkiisa ku sii daray in aysan waxba tarayn dhowr nin oo isagu uu gacan siiyey, oo laga dhisay Baydhabo iyo Gal-gaduud,wuxuuna hadalkiisa sii raacshay Axmed Madoobe oo afarta koone laga tagaan yahay hadalkii uu Kismaayo ka yiri maaha mid Shacabku wada qabo,balse waxaa uu sheegay in waxay iyagu ku hadlayaan uu yahay wax dadka reer Puntland wada qabaan.
Dhagayso Codka Farole
PUNTLAND POST
The post Michael Keating iyo siyaasiyiin hore oo kulmay appeared first on Puntland Post.