Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Sowda Cabdi Aadan oo caafimaad ahaan loogu qaaday dalka Hindiya

$
0
0

BOSASO(Puntland Post) Sowda Cabdi Aadan oo mudo afar sano ah ku xanuun sanaysay gobalka Nugaal kana soo jeeda qoys dan yar ah ayaa maalinkii shalay (Arbaco) caafimaad ahaan loogu qaaday dalka Hindiya gaar ahaan magalada Haydarabaad.

Dhaqaalaha caafimaad ahaan loogu qaaday dalka Hindiya waxaa ugu soo tabarucay umadda Soomaaliyeed ee jooga dalka iyo dibadda, kuwaasoo usoo marsiiyay wariyaasha kala ah Cali Cabdi Ducale iyo Ibraahim Muuse Dahraan oo qaylo dhaanta Gabadhaan umadda gaarsiiyay.

Cali Ducale oo hadal kooban jeediyay xilligii Gabadhaan iyo hooyadeed laga saarayay diyaaradda Airport-ka Bosaso ayaa u mahad celiyay Soomaalidii soo garab istaagtey Lix jrkan mudada xanuun san, waxa kale uu sheegay in haddii dadka Soomaaliyeed isku naxariistaan isla markasna is garab istaagaan lagu guulaysan karo ka hor taga xanuunada haleela dadka danyarta ah ee Soomaaliya ku nool.

Ibraahim Muuse Dahraan (wadani) oo ka mid ah wariyaasha u istaagay caawinta Sowda Cabdi Aadan ayaa sheegay inay macquul tahay haddii qaliin lagu sameeyo Gabadha dhaqaalaha loo aruuriyay ka yaraan karto, wuxuna dadka ka codsaday inay ka qayb qaataan bad baadinta Sowda (Illaahey ayaa wax bad baadiyee) ugu danbayntii wuxuu sheegay in Gabadhaan iyo hooyadeed ay ku daraan Uma-khayr Axmed Cawad taasoo u fududeyn doono waxay u baahdaan iyo gaynta goobaha caafimaadka ee dalkaasi.

Guddiga gabadhaan caawinteeda u istaagay ayaa u aruuriyay dhaqaalo labaatan kun gaaraya, dhaqaalahaasi oo ay iska soo aruuriyeen dadka Soomaaliyeed ee dibadda iyo gudaha ku nool, sidoo kale waxay il-gaar ah ku hayn doonaan qoyska Gabadhaan oo aan wax hanti ah haysan una baahan in la garab istaago.

Fadlan walaal haddii aad doonayso inay caawiso qoyska Sowda Cabdi Aadan oo lix jir ah wixii aad u awoodo ugu soo hagaaji illaahey dartiis Xawaaladaha DAHAM SHIIL-AMAL iyo Salaam BANK, ama lasoo xiriir 00252907749546 ama 002527766010.
1

2

3

4

5

7
PUNTLAND POST

The post Sowda Cabdi Aadan oo caafimaad ahaan loogu qaaday dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>