Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Golaha deegaanka ee degmada Bander Bayla oo gudoomiye doortay

$
0
0

Qardho-(Puntland Post)- golaha deegaanka degmada Bander bayla ayaa doortay gudoomiye iyo ku xigeen,waxayna xilka gudoomiye u doorteen Siciid Aadan Cali Ateeno oo horay u ahaa gudoomiyaha degmada.

Xildhibaanada golaha deegaanka Bander bayla oo ka koobna 21 xubnood Ateeno waxaa u codeeyey 15 xubnood, waxaana la tar tamayey hal musharax,gudoomiye ku xigeen ayaa loo doortay Bile Nuur Faarax.

Wasiiru ku xigeenka arimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob deero iyo gudoomiyaha gobolka Kar kaar Cabdulqaadir Sicaad Carshe Dhaqaaje ayaa goob u ahaa doorashada,waxayna labaduba la dar daarmeen masuuliyiinta la doortay inay gudoon waajibaadka loo doortay.

PUNTLAND POST

The post Golaha deegaanka ee degmada Bander Bayla oo gudoomiye doortay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>