Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaaradda Maliyadda Puntland oo kulan la qaadatay Qandaraas- qaatayaasha Bosaso

$
0
0

BOSASO-(Puntland Post) Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta kulan la qaadatay Xubno ka socday Shirkadaha qaata Qandaraasyada si loogala hadlo Dardargelinta Cashuurta ku waajibtay.

Shirkan oo ka dhacay Xarunta Cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Boosaaso,waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud Cashuuraha Berriga,Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cabdirisaaq Siciid Nuur iyo qandaraas-qaatayaasha.

Agaasimaha Guud Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) oo kulanka ka dib Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shirkan uu dabo socday shirar ay ku dardargelinayeen Cashuuraha.

Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa sheegay iney Qandaraas qaatayaasha kala hadleen bixinta Cashuurta qandaraaska taasina ay isku afgarteen bixinteeda.

Waxaa isugu yeernay shirkan Qandaraas-qaatayaasha ,waxaanu kala hadleynay iney bixiyaan Cashuurta Qandaraaska,waxaan kaloo kala hadleynay dhibaha jira ee soo wajaha aan u xalin lahayn “”ayuu yiri
Waxa uu sheegay in Qandaraas-qaatayaasha isu cadeeyeen isuna bayaamiyeen qaabka loo qaadayo Cashuurta,isagoona shirka ku tilmaamay in uu ahaa mid muhiim ah.

”Wuxuu ahaa shir muhiim ah ,waxaana kasoo qeybgalay Qandaraaslayaasha magaalada Boosaaso qaata oo ah kuwa ugu badan Cashuurtan ku bilaabatay .sidey ahayd iyo sida loo qaadayo.”ayuu yiri.

Madaxdii ka socotay Shirkadaha Qandaraas-qaatayaasha ayaa su’aalo badan ka weydiiyey Madaxda Wasaaradda cashuurta nooca ay tahay iyo meeshay ku baxayso iyo weliba cabashooyin ay qabeen taasoo si wanaagsan looga qanciyey.
DSC_0187

DSC_0189

DSC_0191

DSC_0192

DSC_0193

DSC_0197

DSC_0200
PUNTLAND POST

The post Wasaaradda Maliyadda Puntland oo kulan la qaadatay Qandaraas- qaatayaasha Bosaso appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>