Muqdisho-(Puntland Post)-Wasiirada arrimaha gudaha iyo ammniga ee dowladda fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta hortagaya Barlaamaanka, iyada oo la weydiinayo su’aallo la xiriira howllaha horyaalla Wasaaradaha ay madaxda ka yihiin.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud hab dhowraha Baarlamaanka soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasiirka arimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo wasiirka amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed ay maanta hortagayaan baarlamaanka,awaxaa uuna tilmaamay in ay mudanayaasha wasiirada weydiin doonaan su’aalo kala duwan oo ku saabsan howlaha loo igmaday waxyaabaha ay qabtaan iyo waxa aan uqabsoomin.
“Ajandaha kulanka baarlamaanka ayaa ah su’aalo lagu weydiinayo Wasiirada amniga iyo arrimaha gudaha , kuwaasi oo baarlamaanka hor imaan doona” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xeer hoosaadka baarlamaanka uu qabo in xubinkasta oo ka tirsan baarlamaanka ay su’aalo weydiin karaan xubnaha golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka amniga ayaa dadka qaarkii ku dhaliilaan in uusan wax badan ka qaban amaanka gobolada dalka gaar ahaan Koonfurta,amaanka Muqdisho oo dowladdu dagan tahay ayaa ah mid aan laysku halayn karin,dad badan ayaana sheega intaas ay ku timi da daal la’aan dhanka saraakiisha amaanka ah.
Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa la sheega in ay isku dhowyihiin Madaxweyne Xasan,Siyaasiyiinta qaarkood ayaa qaba in Kalsooni ay taasi siinayso Cabdirisaaq,islamarkaana uusan juhdi badan ku bixin howsha loo igmaday.
Wasiirka arimaha gudaha ayaa umuuqda mid ku fashilmay dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo baahinta howlaha kale ee dowladda, haba ugu horayse codadkii laga aruurayey magaalooyinka dalka,oo la sheegay in la eegayo dadku nooca doorasho ay u baahan yihiin,balse codadkaas ugu dambayntii waxaa la xaqiray dadka qaarkood codadkii ay dhiibteen.
PUNTLAND POST.
The post Wasiirada arimaha gudaha iyo Amniga oo maanta baarlamaanka hortagaya appeared first on Puntland Post.