Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hay’adda PDRC oo soo dhawaysay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland

$
0
0

12743615_1143031172383000_8546824295727825275_nGAROWE-(Puntland Post) Hay’adda horumarinta iyo cilmi baarista Puntland (PDRC) ayaa soo dhawaysay magacaabista guddiga KMG ee madaxa banaan doorashooyinka kaasoo shalay madaxwayne Gaas ku dhawaaqay xubnaha uu xaqa u lee yahay halka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu soo saaray afarta xubnood ee Baarlamaanka laga sugayay.

Sagaalka xubnood ee la magacaabay ayaa lagu wadaa in fadhiga gollaha baarlamaanka marka uu furmo in lagu meelmariyo, xubnahan la magacaabay waxaa ka mid ah wariye hore Axmed Maxamed Cali (Kismaayo) oo kasoo shaqeeyay BBC iyo Puntland Tv.

Qoraalka kooban ee PRDC kusoo dhawaysay guddigan ayay kusoo qortey boggeeda Facebook wuxuuna u qornaa sida tan ”Xarunta horumarinta cilmi-baarista Puntland (PDRC) waxay si sare u soo dhawaysay magacaabidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Arrimaha Doorashaooyinka Puntland”.

Guddiga doorashooyinka KMG ee madaxa banaan ayaa si weyn looga hadal hayaa magalo madaxda Garowe, iyadoona dadka ka faalooda arrimaha siyaasada sheegeen inay tahay waqtigii ku haboonaa guddigan in la magacaabo.

Magacaabista xubnahan ayaa kusoo aadaysa xilli Puntland ay diidan nidaamka qabiilka 4.5 in lagu saleeyo soo xulista xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee 2016.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda PDRC oo soo dhawaysay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>