Garowe-(Puntland Post) Ururka Talo-wadaag oo ay aasaseen haween Soomaaliyeed oo ku nool deegaanada Puntland ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan magacaabista guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, qoraalkooda ayaa u dhignaa sida tan.
Waxaan soo dhowaynaynaa magagaacbista gudiga doorashooyinka , waayo waa tilaabo horay loo qaaday waxa badana lasugaayey kuna soo beeganatay waqti ay ummadda reer Puntland doonayeen in ay waxa uun arintaa la xiriira dhegahoodu maqlaan.
Laakiin hadaanu nahay dhaqdhaqa Talowaadag ee u qareemah arimaha ka qayb galka siyaasada ee gabadha reer PL waxaa noo soo baxaday in aan laga tixgelin dumarka si u dhiganta doorkooda , taas oo macnaheedu yahay waa in aanu arintaa ka filaynay ugu yaraan in ay ku jiaan 3 xubnood oo dumar ah,markiise aan helayn liiska gudigu waxaa noo cadaatay in aan hogaanka dowladu u heelanayn in ay dimoqraadiyadi ka dhalato PL , waxaayo waxaa kaalintoodii la dafiray doorka haweenka Puntland oo ah xubin firfircoon oo tixgelinteeda leh , ayna muhim tahay in la siiyo doorkiida bulsho.
Gudigan waxaa sugaya hawlo badan oo ay ka mid yihiin xalinta khilaafaadka,sugida xuduudaha ,dejinta xeerka doorasho , PL iyo dhaqaale u raadinta dimoraadiyada iyo doorashooyinka sida awgeed waxaa noo soo baxday in aan dawlada Puntland madaxdeedu ayan ku talo jirin in ay qabsooonto dorasho xor iyo xalaal ahi xiligii loogu talo galay .
Waxaan caydanaynaa in waqtigii loogu talo galay in la meel mariyo arintaas ay ka hartay 2 sano in ka yar aayana isu dheeli tirnayn waqtiga haray in la meel mariyo hawshaa baaxda wayn culeyskeedan leh iyo iydaoo aan weli loo hawl gelin kaabayaashii arintaa doorashooyinka salka u ahaa sida dhisida maxkamad dastuuri ah.
Waxaanse gudiga ugu ducaynaynaa in ilaah u fududeeyo hawshooda, waxaana kula dardarmaynaa in aay daacad ka noqdaan gudashada xilkooda ee ayan noqon kuwo wax loo yeelsho.
The post Dhaqdhaqaaqa Haweenka Talo-wadaag oo soo dhaweeyay magacabista guddiga doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.