Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland oo ka qayb galay shirkii sannad-laha ahaa ee Hay’adda Tadaamun

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha  Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 20-Feb-2016 waxaa uu xarunta cilmi baadhista iyo horumarinta Puntland ee PRDC kaga qay galay shirka sannadlaha ah ee 24aad ee hay’adda Waddaniga ah ee Tadaamun.

Shirkan sannadlaha ah ee hay’adda Waddaniga ah ee Tadaamun ayaa ah mid sannad walba la qabto isla markaana lagu soo bandhigo waxyaabihii u qabsoomay hay’adda Tadaamun iyo waxyaaba u qorshaysan sannadka xiga, maadaama ay hay’addu  ka shaqayso barnaamijyo lagu kobcinayo waxbarashada iyo u gar-gaaridda dadka tabaalaysan gaar ahaan Danyarta, Agoomaha iyo Barkacayaasha.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Hay’adda Waddaniga ah ee Tadaamun waxa uu ku ammaanay caawimada ay u fidisay dadka danyarta ah, agoomaha iyo barakacayaasha kuwaas oo ku nool dhammaan gobollada Puntland.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda ayaa  sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay caawimaada dadka tabaalaysan iyo kor u-qaadista waxbarashada,  isagoona ku tilmaamay in ay tahay  mid waajib diini ah iyo mid dawli ahba ku ah qof kasta oo muwaadin ah isla markaana loo baahanyahay in gacan weyn laga geysto, hay’adda waddaniga ah ee Tadaamun-na lagu garab istaago dedaalka ay ugu jirto gurmadka ama taageeridda dadkaasi.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa sidoo kale faray hay’adda Tadaamun  in ay dhammaan gobollada Puntland si siman oo caddaalad ah uga hawl gasho isla markaana ay u dhug yeelato sida ay u kala tamar daranyihiin dadka  danyarta, agoomaha iyo barakacayaasha ah ee ku kala dhaqan  gobollada Puntland.

Ugu dambayntii waxaa madashii shirka shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyey  wasaaradihii iyo hay’adihii ay wada shaqaynta lahaayeen hay’adda waddaniga ah ee Tadaamun, kuwaas oo si hagar la’aan ah ula soo shaqeeyey.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA,WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_9561 IMG_9564 IMG_9565 IMG_9569 IMG_9576 IMG_9582 IMG_9583 IMG_9588 IMG_9589 IMG_9591 IMG_9594 IMG_9596 IMG_9600 IMG_9603 IMG_9604 IMG_9612 IMG_9619 IMG_9620 IMG_9622 IMG_9625 IMG_9630 IMG_9631 IMG_9643 IMG_9644 IMG_9646 IMG_9654 IMG_9657 IMG_9659 IMG_9663 IMG_9669 IMG_9671 IMG_9678 IMG_9684 IMG_9690 IMG_9694 IMG_9710 IMG_9719 IMG_9731 IMG_9732

The post Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland oo ka qayb galay shirkii sannad-laha ahaa ee Hay’adda Tadaamun appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>