Wacyigalintan ku aadan ilaalinta deegaanka ayaa waxa ururka deegaan iyo wasaarada Deegaanka ka fuliyeen degmooyinka Qardho, Waaciye iyo Bayla waxaana uu ahaa mid loo qabtay odayaasha, aqoonyahanka, haweenka iyo waxgaradka degmooyinkaa waxaana lagu tababarayay qaabka ugu haboon ee loo ilaalin karo deegaanka.
Tababarkan oo in badan ku saabsanaa (Degaanka-sii-Xumaanaya & Biyo-La’aanta Dalkeenna) ayaa waxaa ka hadlay maamulada degmooyinka laga fulinayay waxayna aad ugu mahadceliyeen ururka Deegaan iyo wasaarada waxay kaloo kasoo qaybgalayaasha kula dardaarmeen inay ka faa’iidaystaan tababarka islamarkaan iyagu ay noqdaan kuwa wacyigaliya dadka ku howlan xaalufinta deegaanka, gudoomiyaasha degmooyinka ayaa sidoo kale xusay in deegaanka xaaluf ba’an lagu hayo loona baahanyahay in qof walba masuuliyad iska saaro siwada jir ahna loogu gurmadao.
Khabiir ka socoda Hay’adda maxaliga ah Deegaan Relief and Development Organization (DRDO) ayaa diirdda ku saaray muhimadda Deegaanka iyo waxtarkiisa iyo dhibaatooyinka arxan daradda leh ee lagu hayo sida dhibaatooyinka dadku keenaan ((Man-made Environmental Problem) ee heysta degaanka & Kuwa dabiiciga ah (Natural Environmental Problems), Qiimaha dhirta iyo saameynta xaalufka , Saameynta Xun ee Jarridda Dhirta & Qashinka Sunta ah, Sunta ka soo hara warshadaha kiimikada iyo kuwa nukliyeerka ee lagu aaso Somalia. Tababaruhu waxa uu ku sii dheeraday qiimaha dhirta iyo faa’iidada ay deegaanka u leedahay sida Oxygen (O2), Tayaynta hawada,Wanaajinta cimilada , Ilaalinta biyaha iyo ciida , duurjoogta oo ku tiirsan , ka qayb qaadashada habwareega roobka ,hooy iyo cunto u noqoshada xayawaanka oo idil.
Waxaa kaloo lagu xussay meelaha lagu aasso sunta kasoo hara warshadaha kiimikada iyo kuwa nukliyeerka xeebaha somalia.
Maamulka gobolka oo tababrka degmooyinka kala gadisan lagu qabtay soo xiray ayaa ka qaybgalayaasha kula dardaarmay inay wacyigalinta iyo waxa ay ka faa’iideen tabarka ay dhankooda sii fuliyaan oo bulshada qaybaheeda kala gadisan wacyigaliyaan.
Sawirro.
PUNTLAND POST
The post Gobalka Karkaar oo laga bilaabay wacyi galin la xiriirta arrimaha deegaanka appeared first on Puntland Post.