Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha oo Boosaaso kaga qayb galay isu soobax roob doon ah

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 25-Feb-2016 waxaa uu magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kaga qayb galay isu-soobax roobdoon ah, kaas oo Eebbe lagaga baryayey in uu ka dulqaado abaaraha saameyey  guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland isla markaana uu ugu beddelo raxmaadkiisa khayrka qaba.

Isu-soo baxaas roob doonta oo ah  lagu qabtay garoonka kubbadda cagta ee Boosaaso ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Isimo maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, saraakiil kasocota Madaxtooyada Dawladda Puntland, culumaa’udiin iyo kumannaan dadweyne ah, kuwaas oo dhammaantood isugu soo baxay siday ilaahay uga baryi lahaayeen inuu ka feydo abaaraha dabada dheeraaday ee ka jira Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  oo la hadalayey kumannaankii dadweynaha ahaa ee isu soo baxa roobdoonta kasoo qayb galay ayaa dadweynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan kula dardaarmay inay ilaahay u toobad keenaan, isla markaasina ay cafis weydiistaan si’uu ugu naxariisto.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku boorriyey guud ahaan shacabka reer Puntland in ay is-naxariistaan isla markaana ay ka fogaadaan waxyaabaha macsida ah oo  keenaya carada Eebbe.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa ilaahay  uga baryey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaa shacab weynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan in uu uga gar-gaaro abaaraha ba’an ee waxyeelleeyey dadkii iyo duunyadiiba isla markaasina uu ka waraabiyo raxmaadkiisa khayrka qaba.

Isu-soobaxan maanta la qabtay ayaa ahaa mid ay  hore u iclaamisey Wasaaradda Caddaaladda ee Dawladda Puntland in uu ka qabsoomo dhammaan gobollada Puntland oo ay ummadda reer Puntland Eebbe kaga baryaan  in uu ka dulqaado abaaraha ka jira Puntland uguna beddelo  Roob iyo barwaaqo.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_1198 IMG_1202 IMG_1206 IMG_1208 IMG_1218 IMG_1220 IMG_1224 IMG_1228 IMG_1232 IMG_1236 IMG_1238 IMG_1243 IMG_1253 IMG_1254 IMG_1256 IMG_1260 IMG_1262 IMG_1264 IMG_1268 IMG_1272 IMG_1283 IMG_1286 IMG_1301 IMG_1306 IMG_1322 IMG_1328 IMG_1339 IMG_1344 IMG_1352 IMG_1354 IMG_1357 IMG_1373 IMG_1379 IMG_1381 IMG_1386

The post Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha oo Boosaaso kaga qayb galay isu soobax roob doon ah appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>