Baashi Cabdilaahi Maxamuud Aw-cusmaan oo kamid ah Isimada Puntland wuxuu halkaan kaga tacsiyeynayaa geeridii naxdiinta lahayd ee ku timid allaha marxuum Nabadoon Maxamuud Maxamed Cusmaan (Goolnuug) oo habeen kahor ku geeriyooday magaalada Delhi -India.
Baashi Cabdilaahi ayaa sheegay inuu aqoon dheer uleeyahay marxuum Nabdoon Maxamuud Maxamed Cusmaan islamarkaana uu ku yaqaanay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo qiimo weyn ku dhex lahaa bulshada reer Puntland ee dal iyo dibadba.
Wuxuu baashigu tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan qoyska reer Gacmey Goolnuug, awlaadi, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, isagoo Eebbe uga baryay inuu janadii fardawso ka waraabiyo.
Aamin Aamin Aamin.
Puntlandpost.com
The post TACSI: Baashi Cabdulaahi Maxamuud Aw-cusmaan oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Nabadoon Maxamuud Maxamed Cusmaan (Goolnuug) appeared first on Puntland Post.