Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu wareejiyey amaanka Muqdisho

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post)-Maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu wareejiyey amaanka magaalada Muqdisho,kadib kulan xalay ay ku yeesheen Ha’yadaha amaanku magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in Ha’yadaha amaanku ku heshiiyeen in lagu wareejiyo gobolka Banaadir amaanka Caasumadda.

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda amaanka,Ha’yadda Nabad sugida iyo saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa ka qayb galay kulanka.

Taliska Nabad sugida ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya amaanka Caasumadda Muqdisho sugi doonaan maamulka Banaadir,arintan ayaa kusoo aaday xili habeen hore hotel SYL Qarax lala beegsaday oo ay ku naf waayeen in ka badan 20 ruux halka dhaawacu uu kor udhaafayo 30.

Maamulkii hore ee goboolka banaadir ayaa dhowr jeer codsaday in lagu wareejiyo amaanka Muqdisho,walow aysan taasi hirgalin.

Amniga Caasumadda waxaa horay usugi jiray Ha’yadaha amaaka ee dowladda oo ay ugu horeeyaan ciidamada Nabad sugida iyo booliiska.

PUNTLAND POST

The post Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu wareejiyey amaanka Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>