Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Tababar ku saabsan buuga dhismaha wadooyinka oo PHA Garowe ku qabatay

$
0
0

GAROWE-(Puntland Post) Hay’adda wadooyinka Puntland oo kaashanaysa xafiiska ILO ee QM u qaabilsan arrimaha shaqaalaha ayaa maanta magalada Garowe ku qabtay tababar ku saabsan fahamka buuga dhismaha wadooyinka iyo buundooyinka Puntland kaasoo dadaalada lagu faafinayo ay Hay’addu wado.

Tababarkan oo maalmo soconaya ayaa waxaa furitaankiisa kasoo qayb galay wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka, saraakiil ka socda ILO iyo madaxda PHA wuxuna qayb ka yahay mashruuca horumarinta degmooyinka ee JPLG.

Gudoomiyaha Hay’adda wadooyinka Puntland Eng.Maxamuud Cabdinuur Aadan (Dalab) ayaa tillmaamay in guul weyn tahay soo saarista buugan ka hadlaya dhismaha waddooyinka iyo buundooyinka kaasoo lala damacsan yahay in mamuladda degmooyinka ay fahmaan oo ay ku saleeyeen shaqooyinkooda caadiga ah.

Injineer Ciise Cumar oo Hay’adda IlO u hadlayay ayaa sheegay Injineeradan tababarka loo furay ay sii tababari doonaan kuwa kale ee jooga degmooyinka Puntland, taasoo ah xalka kaliya ee buugaan lagu faafin karo.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa tilmaamay inay wax wanaagsan tahay tababarada noocaan oo kale ah kaasoo wax lagu faham siinayo Injineerada ahmiyada laga lee yahay buuggan iyo faafintiisa, waxa kale uu kula dardaarmay kasoo qayb galayaasha tababarka inay si wanaagsan oo hufan u gaarsiiyaan buugaan dhammaan degmooyinka Puntland, si looga maarmo baahiyaha loo qabo nidaam waddooyinka lagu dhiso.

Ma ahan tababarkii ugu horeeyay oo Injineero loo qabto balse Hay’adda wadooyinka Puntland PHA ayaa dadaal ugu jirta sidii Injineerada loogu tababari lahaa buugaan iyo danta laga lee yahay.
_DSC1844

_DSC1845

_DSC1846

_DSC1847

_DSC1849

_DSC1852

_DSC1853

_DSC1854

_DSC1857

_DSC1858

_DSC1860

vlcsnap-2016-02-29-23h07m32s170
PUNTLAND POST

The post Tababar ku saabsan buuga dhismaha wadooyinka oo PHA Garowe ku qabatay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>