Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Ganacsiga Puntland oo Jabuuti kaga qayb galay shir ganacsiga ku saabsan

$
0
0

Wasiirka Ganacsiga iyo warashadaha Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Indha-gurran oo safaro shaqo ugu maqan dalka dibaddiisa ayaa si rasmi ah dalka Djibouti uga qayb galay shirar caalami ah oo salka ku haya horumarinta ganacsiga iyo arrimaha maalgashiga ee dalalka geeska Africa .

Wasiirka ayaa khudbado kala duwan ka jeediyay shirarkaas, isagoo si qota dheer uga xog waramay horumarka ay Dawladda Puntland ka gaartay dhinaca ganacsiga sanadihii u danbeeyey isagoo dhamaan dalalkii ka qayb galay shirarkaasi sharaxaad dheer ka siiyay sida ay Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ugu diyarsan yihiin ka faa’iidaysiga ganacsiga iyo maalgashiga calamiga ah , isla markaana ay soo dhoweynayaan cid kasta oo maal gashi ka samaynaysa Puntland.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warashadaha Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Indha-gurran isagoo ka duulaya waxqabadkiisa ku salaysan horumarinta arrimaha ganacsiga Puntland ayaa waxaa uu kulamo kala duwan oo gooni ah la qaatay qaar kamid ah madaxda Dawladda Djibouti iyo shirkado waaweyn oo ajnabi ah kana shaqeeya arrimaha ganacsiga iyo malgashiga.

Wasiir Cabdiweli Indha-gurran waxa uu la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Isgaarsiinta ee Dawladda Djibouti iyo sidoo kale agasimaha guud ee  Madaxtooyada Dawladda Djibouti iyo madaxa dekedaha Dawladda Djibouti , masuuliyiintaas ayuu Wasiirku kala hadlay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Djibouti iyo Puntland, isagoo u sheegay in Puntland ay diyaar u tahay sidii dib boorka looga jafi lahaa xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warashadaha Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Indha-gurran ayaa madaxda Dawladda Djibouti ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in shirkadaha ganacsiga ee ajnabiga ah ay u maal gashan lahaayeen Puntland, madaama ay Puntland leedahay kaabayaal dhaqaale oo waaweyn isla markaana ay u jihaysattay jidka horumarka iyo horumarinta ganacsiga.

Wasiirka Cabdiweli Xirsi Indha-gurran ayaa dedaal dheer ugu jira horumarinta ganacsiga iyo warashada Puntland iyo sidii loo soo jiidan lahaa shirkadaha malgashiga calamiga si loo anba qaado jidka toosan ee dhinaca ganacsiga iyo malgashiga ee ay Puntland ku tallaabsatay sanidhii danbe, wuxuuna dib ugu soo laaban doonaa Puntland malmaha soo socda.

IMG-20160229-WA0478

IMG-20160229-WA0484

IMG-20160229-WA0485

IMG-20160229-WA0486

IMG-20160229-WA0490

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Ganacsiga Puntland oo Jabuuti kaga qayb galay shir ganacsiga ku saabsan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>