Gaalkacyo-(Puntland Post)-Maamulka Gal-mudug ayaa maanta ka hadlay dagaal ku dhexmaray Alshabaab iyo ciidamada Gal-mudug deegaanka Caad oo hoostagta degmada Xaradheere ee gobolka Mudug.
Wasiirka Amniga Gal-mudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed oo Gaalkacyo warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in dagaalka saaka ku dhexmaray ciidamada Gal-mudug iyo Alshabaab in uu ka dhashay khsaare uusan sheegin tiradooda,wuxuuse xusay in Alshabaab ay khasaare ugaysteen.
Nuur Taardhuleed ayaa sheegay in dagaalka uu sababay markii Alshabaab dadka shacabka ah ku khasab tahay in ay la shaqeeyaan siduu yiri.
Ilaa hada waxaan si rasmi ah loo ogayn dagaalka khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray,sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay xiisad colaadeed oo ka taagan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Gal-gaduud,waxa uuna tilmaamay in Dhuusamareeb ay ka socdaan barakac sababtay Ahlusunna iyo dad deegaanka oo xiisad dagaal uu ka dhex dhacay.
Wuxuu ugu baaqay Ahlusunna in ay ka shaqeeyaan nabad galyada,isagoo xusay in hadii arintan sii socoto aysan Gal-mudug indhaha ka laaban doonin.
Halkan ka Dhagayso Codka.
PUNTLAND POST.
The post Maamulka Gal-mudug oo ka hadlay dagaal ka dhacay deegaan hoostaga Xaradheere appeared first on Puntland Post.