Kismaayo(Puntland Post) Qarax miino oo dhulka la galiyay ayaa goordhow ka dhacay Baar-Caleen oo u dhow garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa miino ay ku dhaawacmeen seddax qof oo shacab ah kuwaasoo marayay waddada uu ka dhacay, ma jirto khasaaro kale oo uu geestay.
Qaraxan ayaa u muuqda in la doonayay in ay lagu wax yeeleeyo madaxda Jubbaland iyo wafuuda ka socotay dowladda Soomaaliya ee gaartay Kismaayo maanta.
Qaraxan oo lagu eedeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa guul-dareestay, waxaana uu ugu dambeeyay qaraxyo fashilmay oo kooxdan ay la damacsaneed in ay ka fuliyaan magaalo xeebeedka Kismaayo.
Dhawaan ayaa ciidamada nabad sugida Jubbaland waxay fashiliyeen qaraxyo maleeshiyadda Al-Shabaab ku soo qaadi rabtay magaalada Kismaayo kuwaasoo lagu fashiliyay duleedka Kismaayo.
PUNTLAND POST
The post Saddex qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay magalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.