Qoryooleey-(Puntland Post)-Guddoomiyaha degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada hoose Maxamed Xaaji Xuseen ayaa sheegay inuu maamulkooda isu soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.
Ninkan oo xiriirro dhowr ah la sameeyay maamulka degmada ,ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Xaaji Cali,ayaanan la ogeyn kaalinta uu u qaybsanaa dagaal yahannada Al-shabaab ee uu hore ugu tirsanaa.
Masuulkan ayaa intaa ku daray in hor-joogahan ay ku wareejiyeen gacanta ciidanka nabad-sugidda qaranka ee Muqdisho,si loogu sameeyo baaritaanno dheeri ah,isla markaana loola yeesho waraysiyo si looga helo xog badan.
Dowladda federaalka ayaa dhowr goor oo hore ku cel-celisay inay cafis u fidineyso malleeshiyaadka iyo saraakiisha kasoo goosta Al-shabaab ee si nabad ah isu dhiiba,waxaan tan iyo markii ay ka dhawaajisay ballanqaadyadaasi ka soo tagay horjoogayaal ay qaarkood lacago badan dul saarnaayeen xogtooda iyo dilkoodaba.
The post Sarkaal Al-shabaab ahaa oo isu dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.