Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas oo tacsi ka diray geeridii Maxamed Abshir Walde

$
0
0

FB_IMG_1457366183596Muqdisho(Puntland Post) Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Khaliif xiligana ah Xildhibaan Dawladda Feseraalka Soomaaliya ayaa ka tacsi-yadeeyey geeridii ku timi alle ha u raxmadee Mohamed Abshir Walde oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ra’iisal Wasaare Cabdiwahaab ayaa tilmaamay in marxuum Mohamed Abshir uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo qiime weyn ugu fadhiyay umadda Soomaaliyeed oo dhan, isla markaana waxtar muuqda oo la taaban karo uga tagay umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in marxuumku uu aad u jeclaa horumarka Soomaaliya iyo in la gaaro Dawladnimo lagu taami karo.

Xildhibaan Cabdiwahaab ayaa sheegay inay asxaab dhow ahaayeen marxuumka ayna ka wada shaqeeyeen arrimo badan oo u wanaagsan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Cabdiwahaab Ugaas ayaa sidoo kale tacsi u diray ehlka, qaraabada, asxaabta iyo umadda Soomaaliyeed ee marxuuku ka geeriyooday, isagoo Ilaahay SW uga baryey inuu ku mannaysto janaddiisa fardowsa qabrigana u waasiciyo.

The post Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas oo tacsi ka diray geeridii Maxamed Abshir Walde appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>