Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22938

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo Garowe dhex qaaday

$
0
0

Sawirka1GAROWE-(Puntland Post) Waxaa galabta bartamaha magalada Garowe ku dhex lugeeyay Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr.Axmed Cali Daahir, Taliyaha ciidanka Asluubta DFS,Gen.Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo xeer ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cismaan kuwaasoo markii danbe goob lagu shaaxaynayo kula sheekaystay qaar ka mid ah shacabka magalada.

Tilaabadaan ayay ku sheegeen inay qayb ka tahay muujinta in madaxda Soomalidu ay mar kasta jecel yihiin inay shacabkooda la shakaystaan kana waraystaan xaaladahooda.

Xeer ilaaliyaha qaranka iyo Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin kala danbaynta iyo ammaanka ka jira caasumadda Puntland ee Garowe waxa kale ay tilmaameen inay tani waddada usii xaarayso in masuuliyiinta shacabkooda kula sheekaystaan goobaha lagu badan yahay.

Dr.Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay mudo ka badan 20-sanno ugu danbaysay Shaah noocaan oo kale ah inuu ku cabo magalada Garowe iyo guud ahaan-ba dalka, wuxuna sheegay inuu u xiisay fariisashada meelahan oo kale ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa dhankiisa sheegay inay muujinayso nabadda iyo amniga ka jira casuamdda waxa kale uu sheegay inaysan jirin wax cabsi ah oo ay ka qabaan ayna mar kasta shacabkooda sidaan oo kale kula qaxweeyaan meherada ay ku badan yihiin.

PUNTLAND POST

The post Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo Garowe dhex qaaday appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22938

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>