GAROWE-(Puntland Post) Xeer ilaaliyaha qaranka iyo taliyaha ciidanka asluubta dowladda federaalka Soomaaliya oo maalmahan safar shaqo u jooga Puntland, ayaa maanta oo Khamiis ah booqanaya xabsiga weyn ee magalada Garowe ku yaala iyo goobo kale oo muhiim ah.
Xeer ilaaliyaha qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay ahmiyad u lee dahay booqashadooda magalada Garowe ayna wax badan ka ogaan doonaan xaalada xabsiga weyn ee magalada Garowe kaasoo dhaqaale faro badan lagu bixiyay dhismihiisa.
Labadaan masuul ee ka dowadda dowladda Federaalka ayaa sidoo kale Garowe kula kulmay madaxda ugu saraysa dowladda iyo xeer ilaaliyaha qaranka, waxayna ka wada hadleen arrimaha shaqo ee labada dhinac u dhaxeeya.
Galabta ayaa lagu wadaa in xabsiga weyn ciyaar xiiso leh ku dhexmarto koox matalaysa maxaabiista Garowe iyo wariyaasha,waxaana kulankaasi goob joog ka noqonaya madaxda xabsiga iyo masuuliyinta martida ah.
DHAGAYSO
PUNTLAND POST
The post Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Taliyaha ciidanka Asluuubta DFS oo kormeeraya xabsiga Garowe appeared first on Puntland Post.