Xarfo: (pp)- Degmada Xarfo oo ka tirsan Gobolka Muudg ayaa waxaa ka socda olale balaaran oo ay iska kaashanayaan Maamula Degmada iyo shacabka oo halkaasi ka wada dayactirka wadada laamiga goobaha ay ka burburtay.
Munaasabad balaaran oo maanta lugu daahfurayay dayactirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawlada Puntland oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay, Agaasimaha Hay’ada wadooyinka Puntland PHA Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan, qaybaha Bulshada iyo waliba Maamulka Degmada Xarfo.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusf Jaamac Tigay khudbad uu halkaas ka jeediyay ayaa ku amaanay dadka reer xarfo sida wanaagsan ee ay xiligaan ugarteen dayactirka laamiga isagoona ku tilmaamay in ay qayb ka tahay talaabadani hormarada baaxada leh ee ka soconaya Gobolka Mudug.
Agaasimaha hay’ada wadooyinka Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur aadan ayaa dhankiisa isna bogaadiyay hawlaha lugu dayactirayo wadada laamigaa isagoona sheegay in Hay’ada Puntland u qaabilsan dhanka wadooyinka ay iyana doorkeeda qaadanayso haatana ay bilaabayaan inay dayac tiraan goobaha laamigu ka burbursanyahay ee u dhexeeya Magaalooyinka laamigu maro.
Ka dib munaasabada ayaa waxaa si toos ah loo bilaabey shaqada dayactirka, taasi oo ay qeyb lixaad leh ka qaadanayaan bulshada deegaanka oo hormuud ka yahay maamulka Degmada Xarfo oo sheegey inaysan ka daaleyn hagaajinta wadada howsheeda ay bilaabeen.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Degmada Xarfo.