Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hay’adda Shaqalaha rayidka ah oo qaaday imtixaamka Madax-qaybeedyadii Shaqada iyo Shaqalaha.( HR head units)

$
0
0

Hay’ada Shaqalaha rayidka ah oo qaaday imtixaamka Madax-qaybeedyadii Shaqada iyo Shaqalaha.( HR head units)

Hay’ada shaqalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission) oo qaaday imtixaankii Madax-qaybeedyada Shaqada iyo shaqaalaha ee Hay’adaha iyo Wasaaradaha ka faa’iidaysanaya mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee uu Bangiga Aduunku maal-galinayo.

Dadka laga qaaday imtixaanka ee u tartamaya shaqooyinka bannaan ayaa ah dad u badan dhalinyaro aqoonyahan ah oo wax ku bartay jaamacadaha dalka iyo dibadda, waxaana lagu kala xulayaa aqoonta  ay soo barteen iyo waayo-aragnimadooda la xiriirta shaqada.

Munaasabadii lagu daahfuray imtixaanka laga qaadayey dadkii shaqooyinka soo codsaday ayaa waxa goob joog ka ahaa laamaha kala duwan ee Dowladda Puntland ay u xilsaartay imtixaan qaadista.

Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mudane Mustafe Siciid Shabac oo daah furay imtixaanka ayaa sheegay in shaqooyinka  ka bannaan Dowladda ee tartanka loogu jiro ay yihiin 9 boos, kuwaas oo uu sheegay inay imtixaam u galayaan 54 qof, waxaana dumar ahaa 22 qof, halka ragguna uu ahaa 22 qof.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in shaqooyinkan ay hore ugu soo bandhigeen bulshada Puntland, si dadweynuhu ay ugu wada faa’iidaystaan, Waxa uu intaasi raaciyey in  tartanka caynkan ahi uu la mid yahay tartamada aqoonta ku dhisan.

Imtixaankani wuxuu qayb ka yahay balanqaadkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa in shaqooyinka dawladdu soo dhejiso ay dadku u sinnaan doonaan loona gelidoono imtixaam furan oo u dhaca si hufnaan iyo caddaalad ah.

Ugu dambayntii tartamayaashii ayaa loo qaybiyeey waraqadihii imtixaanka waxaana si dhow u ilaalinayey imtixaanka dad si gaar ah loogu soo xulay.

——————–Dhammaad—————-
DSC_0051 DSC_0052 DSC_0059 DSC_0065 DSC_0068 DSC_0073 DSC_0075 DSC_0077 DSC_0082 DSC_0085 DSC_0088 DSC_0090 DSC_0091 DSC_0095 DSC_0096 DSC_0097 DSC_0100 DSC_0102 DSC_0103 DSC_0104 DSC_0105 DSC_0107

The post Hay’adda Shaqalaha rayidka ah oo qaaday imtixaamka Madax-qaybeedyadii Shaqada iyo Shaqalaha.( HR head units) appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>