Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo ka qayb galay Munaasabad lagu taageerayo Madaxweynaha Dawladda Jabuuti.

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 13 March, 2016 waxaa uu ka qayb galay munaasabad lagu taageerayey Madaxweynaha Dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xilka Madaxtinimada  dalkaasi u tartami doona markii afraad.

Munaasabadda oo lagu qabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,  Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga  ee Dawladda Puntland ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Puntland, Wasiirka Dastuurka Dawladda Puntland, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Wasiiradii hore ee Arrimaha gudaha Dawladda Puntland Cali Cabdi Awaare iyo Axmed Cabdi Xaabsade, masuuliyiin iyo dadweyne kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in dawladda Jabuuti iyo Dawladda Puntland uu ka dhexeeyo xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid wada shaqayneed oo qota dheer,  isla markaana ay dawladda Jabuuti dhinacyo badan ka taageerto dawladda Puntland oo ay ka mid yihiin dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale ku tilmaamay Madaxweynaha Dawladda Jabuuti shaqsi taariikhda Afrika meel wanaagsan kaga jira marka loo eego horumarada baaxadda leh ee uu ka fuliyey waddankiisa iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee uu ka hirgeliyey dalkiisa, isla markaana uu mudan yahay in lagu dhiiri geliyo markalena dib loogu doorto xilka Madaxtinimo ee dalkaasi.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ugu dambayntii sheegay in dawladda Puntland ay garab taagan tahay Dawladda Jabuuti iyo madaxweyneheedaba uuna ilaahay uga baryayo in uu markale ku guuleyo xilkaasi Madaxtinimo.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFITA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_2242 IMG_2248 IMG_2252 IMG_2257 IMG_2260 IMG_2262 IMG_2264 IMG_2267 IMG_2269 IMG_2273 IMG_2277 IMG_2284 IMG_2295 IMG_2302 IMG_2306 IMG_2309 IMG_2312 IMG_2313 IMG_2315 IMG_2317 IMG_2319 IMG_2324 IMG_2325 IMG_2330 IMG_2334 IMG_2337 IMG_2347 IMG_2360 IMG_2368 IMG_2385 IMG_2392 IMG_2416 IMG_2418 IMG_2423

The post Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo ka qayb galay Munaasabad lagu taageerayo Madaxweynaha Dawladda Jabuuti. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>