Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayey oo Booqasho ku tegey Deegaanka Buuro-wadal

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa maanta 14-March-2016 waxay kormeer shaqo ku tageen deegaanka Buuro-wadal.

Waftiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo ku-xigeenkiisa labaad, Xildhibaano, Wasiirro, Isimo iy saraakiil ciidan, waxaanay deegaanka Buuro-wadal u tageen soo afjaridda khilaafkii ka dhashay deegaanka bixin iyo adkaynta nabad gelyada Deegaankaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in loo baahanyahay in shacabka Puntland meelkasta oo ay joogaan ay adkaysnaan midnimadooda iyo  nabad gelyadooda, waxaana uu xusay in ay jiraan shaqsiyaad iyo maamulo kale oo neceb jiritaanka Puntland isla markaana loo baahan yahay in shacabka Puntland ay ku baraarug-sanaadaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  ayaa sheegay in ilaalinta nabad-gelyada Puntland ay tahay Muqaddas,  isla markaana aan laga oggolaan doonin cidna  in ay ku kacdo  waxyaabo khalkhal gelinaya nabad-gelyada iyo xasiloonida Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sheegay in khilaafkii ka-dhashay  deegaanka bixin aanu ahayn mid loo baahnaa isla markaana ay dawladdu hore go’aan uga qaadatay xallintiisa, maantana  ay u yimaadeen  Buuro-wadal sidii ay dadka deegaanku ay  dawladda ugala shaqayn lahaayeen adkaynta nabad-gelyada.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Ugaas Cabdulaahi Ciise oo kamid ah isimadii ka qayb galay kulankii dhexmaray dawladda iyo dadka deegaanka Buuro-wadal ayaa soo dhoweeyey go’aanka dawladda ee soo-afjaridda khilaafaadka iyo  adkaynta nabad gelyada waxaanay ballan-qaadeen in ay dawladda ku garab istaagi doonaan tallaabo walba oo dhinaca horumarka, adkaynta nabad-gelyada iyo ilaalinta midnimada Puntland loo qaadayo.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_2441 IMG_2445 IMG_2447 IMG_2452 IMG_2456 IMG_2459 IMG_2461 IMG_2466 IMG_2487 IMG_2469 IMG_2473 IMG_2478 IMG_2487 IMG_2494 IMG_2500

The post Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayey oo Booqasho ku tegey Deegaanka Buuro-wadal appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>