Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabab oo la wareegay deegaanka Garacad iyo mamulka G/Mudug oo ka hadlay

$
0
0

Garacad-(Puntland Post) War hadda naga soo gaaraya deegaan Garacad oo hoos taga degmada jirriban ee gobolka mudug ayaa la xa qiijiyay in maleeshiyaad aan hayb tooda laga ragananayn laakiin loo malaynayo ururka al- shabaab ay qabsadeen magaala xeebeedka garacad.

Maleeshiyaad kan oo watay afar doonyood ayaa ka soo galay dhinaca ceebta xaradheero ee koonfurta mudug,

Maleeshiyaadka oo lagu qiyaasay dhowr boqol ayaa hadda si rasmi ah gacanta ugu haya deegaanka Garacad, waxaana la sheegayaa in dadka qaar kood ay isa baxeen magaalada Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka maleeshiyaadkaan ay ku qabsadeen deegaanka Gacarad inta la og yahay, inkastoo wax walba ay dhici karaan, weerarka ayaa dhacay xilligii salaad maqrib.

Waxayna hadda ku mashquul sanyihiin magaalada oo kararanayaa sahay isu jirta shidaal iyo raashin Waxaana hawada laga saaray isgaasiintii,

Gudoomiyaha gobalka Mudug oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa xaqiiyay in koox AL-Shabab ka tirsan caawa fiidkii soo gaareen deegaanka Garacad ku sugan yihiin.

Dadka deeganka oo la hadlay Puntland Post ayaa sheegay in 7 doonyood ay magaalada kaga soo galeen xagga badda, kuwaas oo maantadii hore warbaahinta hadal haysay in dad rayid ah kooxda Al-Shabab si xoog ah uga soo kaxaysteen doonyo.

Degmada Jariiban oo ay hoos timaado deegaanka Al-Shababku ku sugan yihiin ee Garacad ayaa heegan la galiyay ciidanka ku sugan, kuwaasoo xitaa laga yaabo inay u dhaqaaqaan dhanka Jariiban.

Halkan hoose ka dhagayso Gudoomiyaha Gobalka Mudug oo ka hadlaya xaalada Garacad

Wixii kusoo kordha kala soco wararka danbe ee PUNTLAND POST

The post Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabab oo la wareegay deegaanka Garacad iyo mamulka G/Mudug oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>