Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Deg deg: Dowladda Puntland oo ugu baaqay kooxda soo weerartay Xeebaha inay isi soo dhiibaan

$
0
0

PpsotGAROWE(Puntland Post) Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo goor dhawayd shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magalada Garowe ayaa kooxda hubaysan ee weerarka kasuu qaaday dhulka xeebaha leh ee Mudug iyo Nugaal ayaa ugu baaqay inay xooggan isi soo dhiibaan isagoona sheegay inay dowladdu ku hanwayn tahay inay howsha taagan soo afjari doonan 74-saac ee soo socda.

Soocade ayaa sidoo kale guulo ka sheegtay dagaalkii ciidanka hubaysan ee Puntland ku qaadeen kooxda hubaysan ee ku sugan duleedka deegaan xeebeedka Garmaal ee degmada Dongorayo, wuxuna sheegay inay cagta mariyeen, waxa kale uu sheegay inaysan u babac dhigi karin awooda ciidanka.

Wasiirka ayaa sheegay inay u balan qaadayaan inaysan wax dhibaato ah gaarsiin doonin cidii isku soo dhiibta gacanta dowladda, wuxuuna sheegay inay dib ugu celin doonan meelihii ay ka yimaadaan.

Wuxuu ammaan u jeediyay ciidamada Puntland oo uu sheegay inay cagta mariyeen waxa uu ugu yeeray argagaxiso iyo cid lasoo diray.

PUNTLAND POST

The post Deg deg: Dowladda Puntland oo ugu baaqay kooxda soo weerartay Xeebaha inay isi soo dhiibaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>