Wararka aan ka helayno deegaanka Toga Suuj oo ah halka ay isku horfadhiyaan ciidamada dowlada Puntland iyo maleeshiyaadka Shabaab ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu halkaasi dib uga bilooday,
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowlada Puntland ay weerareen Difaacyada Shabaabka ay ka sameysteen deegaanka Toga Suuj,
Ciidamada dowladda Puntland ayaa madaafiic ku garaacaya Halka ay ku sugan yihiin Xoogaga Shabaab, inkastoo dhulka lagu dagaalamayo uu yahay mid buuro ah.
Waxaa adag in helo faah-faahin rasmi ah oo ku aadan Khasaaraha dagaalka ka dhashay.
Wixii warar ah ee ku soo kordha waxad kala soconkartaan warbaahinta PUNTLAND POST.
The post Dagaalkii Suuj oo Dib u Bilowday Saaka iyo Ciidamada Puntland oo Madaafiic ku Garaacaya appeared first on Puntland Post.