Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maleeshiyadii Al-shabaab oo laga saaray Toga Suuj

$
0
0

Maleeshiyadii  Ururka Al Shabaab ee afartii habeen ee la soo dhaafay ku sugnaa Toga Suuj ee Gobolka Nugaal, ayaa waxaa la soo sheegayaa in si xoog ah looga saaray Toga Suuj.

Wararka ka imaanaaya Toga Suuj, ayaa waxay xaqiijinayaan in maleeshiyada Ururka Al Shabaab ay dib ugu laabteen dhanka Koonfureed ee Togga Suuj oo ah halkii ay markii horre ka soo galeen togga, dhanka badana xigta kadib markii halkaas laga saaray,

Oday ka mid ah dadka deegaanka, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Ciidamada dowlada  Puntland iyo dadka deegaankuba, ay muddo ka dib gudaha u galeen Toga Suuj, waxaana ku aragnay buu yiri meydadka lix nin, halka nolosha lagu qabtay mid kale.

Ninkan odayga ah oo u waramay VOA, ayaa wuxuu kaloo sheegay in Ciidamada  dowlada Puntland ay baacsanayaan Xoogaga Shabaabka, ee u jiheysay dhinaca badda .

PUNTLAND POST

The post Maleeshiyadii Al-shabaab oo laga saaray Toga Suuj appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>