Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shabaab oo soo Bandhigay Gaadiid iyo hub ay ku qabsadeen Dowlada Somalia

$
0
0

Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay gaadiid nooca dagaalka ah iyo hub ay ku qabsadeen  ciidamada Dowlada Federalka Somalia weerarkii habeen hore ay ku qaadeen Xerada Laanta Buuro oo ku taallo Gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarkaasi oo ahaa mid qorsheysan ayeey Shabaabka ku gaadeen ciidanka Dowladda somalia xilli saq dhexe ah, waxaana u suuragashay inay kaxeysteen gaadiid dagaal iyo hubaad u badan.

Shabaab ayaa deegaan aanan la shaacin halka uu ku yaal ku soo bandhigay gaadiidkaan iyo hubka ay ka qabsadeen ciidamada Dowladda federalka Somalia

Sawirada Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa muujinaayay 8 gaadiid oo todobo ka mid ah ay tahay kuwa dagaalka, halka midka kalena uu yahay gaari yar oo Kaarib ah.

Afhayeenka Ururka Al Shabaab Sheekh Abuu Muscab ayaa ku faanay in gaadiidkaasi ay ka soo furten ciidamada Dowladda federalka Somalia.

Wuxuu kaloo sheegay ciidamada Dowladda ee ku sugan aagaga dagaalka inay isku soo dhiibaan Ururka Al Shabaab si ay u helaan Nabadgelyo.

Taasina waxay tusaale u tahay  tabar darada ciidamada dowlada federalka Somalia iyo kuwa AMISOM oo mar walba al-shabaab ka furtaan hub iyo gaadiid.

alsha9

alsha7

alsha4

alsha6alsha3

alsha2

 

PUNTLAND POST

The post Shabaab oo soo Bandhigay Gaadiid iyo hub ay ku qabsadeen Dowlada Somalia appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles