Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoonka Diyaaradaha Brussels Zaventem oo qarax ka dhacay

$
0
0

Brussels-(Puntland Post) Laba qarax oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Brussels Zaventem ayey  ku dhinteen dhowr iyo tobon qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kor u dhaafaysa sodon.

Ilaha  Caafimaadka ayaa sheegay in 10-qof ay ku dhintay, 30 kalana ay dhaawacantay qarax ka subaxnimadii Talaadada ee maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Zaventem ee dalka Biljimka.

Goob jooge ku sugnaa garoonka ayaa sheegay  in qaraxa hore ahaa mid yar, kadibna waxaa xigey qarax kale oo weyn dhismaha terminal oo dhan ayaa ruxmey dadku beerka ayey dhulka ku hayaan, waxaana soo dumey qaybta kore ee nalalka lagu xiro  waxan arkaayay dhimasho iyo dhaawac aanan tiradoo saxda ah sheegi karin ayuu yiri goob joogahaasi.

PUNTLAND POST

The post Garoonka Diyaaradaha Brussels Zaventem oo qarax ka dhacay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles